Kutubta Hada Socota
Kitabkan waxa Aqrinaya Sh Cali Cusman Ugas waxaa la bilaabay 3/14/2021
Read More...
Casharka waxa la aqriyaa Satida ilaa arbacada Bacdal Maqrib xiliga Muqdisho Somaliya
Read More...
Kitabkan waxaa la aqriyaa Kaliya Arbaca iyo Khamista Bacdal Maqrib waqtiga Muqdisho Somaliya
Read More...
WEYDII SU,AASHAADA
HALKAN ISKA XAADIRI
FACEBOOK GA LASOCO

Arkanul-iimaan

0
Monday August 29, 2011 - 01:15:15 in Qormooyin Diini ah by Super Admin
  • Visits: 21250
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 4 0
  • Share via Social Media

    Arkanul-iimaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

اركان الايمان Arkanul iimaan 6 1.(ILaah oo larumeeyo ان تومن بالله)inaan rumeyno ilaah subxanahu watacaalaa duuduub ahaan in ilaah mowjuud yahay,Qadiim yahay oo meel uu san ka soo bilaban,baaqin uu yahay oo dhamaad lahayn,ilaah uu khilaafsan yahay wax walba oo soo doriyo wax kastana uu ka deeqtoonyahay,mid daaima inuu yahay joogidiisu dhamaad lahayn.Haduusan ilaah jiri lahayn wax jiraa majireen oo khalqiga kamida,افي الله شك فاطر السموات والارض Sidaa daraadeed ayuu ilaah soo diray Anbiyo kuligood Dadka ugu yeerayo kalimatu-towxiid oo ah لاء له الا اللهilaah xaqa lagu caabudu inuu yahay alaah kaliya cida cibada mudatay ay tahay alaah kaliya. Mana la amrin in ay dhahaan waxaa leenahay ilaah calamkana ilaah kale Xowdiid qaybsama ma aysan sheegin. Ilaah waa ilaah kaliya cid la wadagsato ilaahnimada majirto, wax u mathal ah na majiraan wax lagu qiyaasi karana majiraan (في الذات والصفات) Wax kastoo qalbigada ku soo dhacana ilaah waa khilaafsan yahay meel uu dagan yahayna majirto oo ilaah subxanahu watacaalaa loo raadsho ama laga dayo,(ليس كمثله شيء) wax la dhihi karo ilaah wuu u egyahay majirto ama lagu soo dhawayn karo in ay ilaah u egyihiin ama copy ay u yihiin Fasubxanalaahi camaa yaquulul Juhaa(فاءدة) من ترك اربع كلمات كمل ايمان ,Afar Kalimo qofkii ka tago iimaankiisu kamil ayuu noqday 1.Ayna Alaah=اين الله?ilaah intuu joogaa ? makaan uma sugnaanin ilaahna masoo maro Zaman meel uu fadhiyana majirto. 2.wakayfa=وكيف waa side? Laysa kamithlihii shay,un wax ilaah lagu matalo majiraan. 3.wamata? ومتي? Goormuu ?Awalun bilaa ibtidaa,in wa aakhirun bilaa in tihaa in. 4.wakam?=وكم ? 2. Wa malaaikatihi (وملا ءكته) waa inaan u ictiqaadinaan inay yihiin ajsaam oo nuuraani ah mahan gabdho,mahan Rag, mahan khunthe, aabe malahan,hooyo malahan, waxay ka runshegayaan wax alaaliyo wixii ilaah u khabro wax ma cunaan wax ma cabaan, maguursadaan, wax ma dhalaan, maseexdaan, looma qoro acmaashooda ayaga ayaa wax qoro,Acmashooda miizaanka la ma saaro sababtoo ah ma,danbaabaan,waxaa la la soo kulminayaa Jini iyo insiga, waxayna u shafecayaan Caasiyaalka Banuu adamka,mu miniintu waxay ku arki doonaan Janada,way dhimandoonaan Nakhada koowaad ilaa kuwa Carshiga sido iyo afarta ruasadaa mahane ayaguna waa dhiman doonaan markaas kabacdi,waxaa wajiba in la barto 10 ka mala gee Madaxda lagu magacaabo 1.Jibtiil 2.israfiil 3.Miikaa,iil 4.Cazra,iil 5.6. Munkar iyo Nakiir 7.8. Raqiib iyo Catiid 9,10 Malik iyo Ridwaan 3.Wakutubihii (وكتبه) kutubta afarta ah oo ilaah soo diray oo la wada Rumeeyo loo rumeeyo in ay kalaamkii ilaah yihiin almunazalu calaa Rusulihim . 1.Towreet (Nabi Muuse) 2.Zabuur (Nabi Daauud) 3.Injiil (Nabi Ciise) 4.Furqaan (Nabiyulahi Muxamed NNKH) (Warusulihi (ورسله) Rususha ilaah oo la rumeeyo loona rumeeyo.inay yihiin Adoomada ilaahay kuwa ugu Fadliga badan.waa inaan u rumaysaa in ilaah u soo diray Khalqiga Rusul oo Rag ah dumar Rasuul ma noqdaan ama nabiyaal oo aan la garanayn cadadkooda saxda ah ilaah kaliya ayaa garanayo intay yihiin Waxa ugu horeyey Nabi Adam waxana ugu danbeyey Nabi muxamed NNKH. (Wabilyowmil Aakhiri وباليوم الاخر ) maalinta Qiyamo oo la rumeeyo dhici deeda iyo waliba waxay ay kulansatay oo dhan sida Xashriga,Xisabka,Jazaha,iyo wixi lamida (Wabilqadari و بالقدر )qadarta kugu Dhacayso oo Rumaysid Khayr iyo Sharba inay Xag ilah ka imaaday oo ay qorneed in ay kugu dhacdo adigoo aaminsan in ilaah kuu qadar


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


WAQTIYADA SALAADAHA

SHAWAL  14, 1445

April  23 , 2024

SALAT

ADHAN

IQAMAH

Fajr

4:55AM

05:05AM

DUHUR

1:30PM  

1:40PM

ASAR 

05:10PM

05:20PM

MAGRIB

08:15PM

08:20PM

ISHA

9:40PM

9:50PM

JUM'A

1:30PM

1:40PM

TOOS NOO DAAWO
Youtube Channel
Maktabadda Nuuruliiman
MAXAA UGU JECESHAHAY
What do you like on our website?
Tafsir
Quran
Muxaadaro
Duruus
Khudbooyinka
Video
Poll Maker
Islamic Quiz